7 March, 2022
Dowlada Maraykanka ayaa sheegtay inay wadahadal kula jiraa xulafadooda qaarada Yurub sidii gebi ahaan loo joojin…
Dowlada Maraykanka ayaa sheegtay inay wadahadal kula jiraa xulafadooda qaarada Yurub sidii gebi ahaan loo joojin lahaa iibka batroolka laga soo saaro dalka Ruushka oo kamid ah illaha dhaqaalaha ugu muhiimsan ee xukuumada Vladimir Putin.
Waxaan hadda wadahadal kula jirnaa saaxiibadayada Yurub oo ku saabsan mamnuucidda saliidda Ruushka ee dalalkeenna, iyada oo dabcan isla mar ahaantaana la ilaalinayo sahayda saliidda ee joogtada ah ee caalamiga ah,” Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Maraykanka Antony Blinken ayaa sidaa sheegay Axaddii shalay.