17 March, 2022
Xoghayaha Arrimaha Dibada ee Maraykanka Antony Blinken ayaa sheegay in la kordhinayo tirada siyaasiyiinta Soomaalida ee…
Xoghayaha Arrimaha Dibada ee Maraykanka Antony Blinken ayaa sheegay in la kordhinayo tirada siyaasiyiinta Soomaalida ee uu Maraykanka kusoo rogay xayiraadda socdaalka ama VISA-da.
Maraykanka ayaa xayiraadan saaray siyaasiyiinta Soomaalida qaarkood oo lagu eedeeyey dib u dhaca doorashada Soomaaliya, jadwalka doorashada ayaa markale dib u dhacay todobaadkan iyadoo lagu waday in lasoo dhameystiro doorashada xildhibaanada 15kii bishan Maarso.
Waxaan warbaahinta lagu shaacin magacyada xubnaha uu Maraykanka xayiraadan saaray.