18 May, 2022
Madaxweynaha cusube ee JFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la kulmay safiirka dowlada Sacuudiga u fadhiya Soomaaliya…
Madaxweynaha cusube ee JFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la kulmay safiirka dowlada Sacuudiga u fadhiya Soomaaliya Axmed Bin Muxamed Saalix Almuwalad.
Kulanka oo ahaa salaan iyo Hambalyo ayaa safiirka waxaa uu madaxweynaha ugu hambalyeeyay guusha uu la gaaray doorashadii madaxtinimada ee dhawaan ka dhacday dalka.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhankiisa uga majad celiyay Safiirka Sacuudiga taageerada ay siiyaan dowladda Soomaaliya.
Sidoo kale, Madaxweynaha waxa uu sheegay inay xoojin doonaan wadashaqeynta iyo xiriirka labada dal ee Soomaaliya iyo Sacuudiga.