Axmed Karaash oo Garowe kulan soo dhawayn ah ugu sameeyey qaar kamid ah Isimada SSC

Published: March 24, 2023
Shares24

Madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa soo dhawayn iyo afur u sameeyey qaar kamid ah madaxda dhaqanka SSC oo Garowe ku sugan.

Madax-dhaqameedkan Garowe ku sugan ayaa kala ah; Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil, Garaad Cabdisalaan Xasan, Suldaan Mustafe Awseed iyo 

Ugaas Maxamuud Ugaas Cabdilaahi.

Madax-dhaqameedkan ayaa la filayo in ay maalinta berri ah kulan kula qaataan magaalada Garoowe xubno kale oo madax-dhaqameed ah kuwaasi oo ka imanaya dhanka Magaalada Muqdisho.

Wararka qaar ayaa sheegaya in madax-dhaqameedka ka imanaya Muqdisho ay dhex-dhexaadin ka sameyn doonnaan xaaladda Gobolka Sool.

Horseed Media