Madaxweynaha Romania ayaa ka tanaasulay tartanka madaxa isbaheysiga NATO

Published: June 20, 2024

Madaxweynaha Romania, Klaus Iohannis, ayaa ka tanaasulay tartanka hoggaanka NATO Khamiista, isagoo waddada u furay ra’iisul wasaaraha Holland Mark Rutte inuu noqdo xoghayaha guud ee xiga ee isbahaysiga milatari ee transatlantic.

Dhammaan xubnaha kale ee NATO waxay horey u taageereen Rutte, oo xulafo adag la ah Ukraine, isla markaana si weyn u dhaleeceeya madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin, inuu xilka kala wareego Jens Stoltenberg, oo xilka ka degaya sanadkan ka dib toban sano oo uu xilka hayay.

Iyadoo dagaalka Ukraine uu ka socdo, NATO iyo wadamada Yurub ayaa ka walaacsan soo noqoshada suurtagalka ah ee Donald Trump, xubnaha isbahaysiga ayaa soo gabagabeeyey Rutte khibradda sare leh ayaa ahaa qofka ugu fiican ee jagada.

Sida lagu dhawaaqay go’aanka Iohannis, golaha sare ee difaaca Romania ayaa sheegay inay ku deeqi doonaan mid ka mid ah labada nidaam ee Patriot ee dalka Ukraine, isagoo ka jawaabaya codsigii Kyiv ee xulafadeeda si ay u helaan kaalmo dheeri ah oo difaaca hawada ah.

Horseed Media