Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka dib-u-eegista tallaabooyinka ka hortagga Leexsashada Gargaarka

Published: September 30, 2024

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka ee SoDMA Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta Muqdisho ka daah-furay shirka dib-u-eegista tallaabooyinka ka hortagga Leexsashada Gargaarka oo ay soo qaban qaabisay Hay’adda SoDMA, kaasoo ay ka qeyb galayaan Guddiga Arrimaha Gudaha Golaha Shacabka BFS, Wasiirrada gargaarka ee dowladaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka iyo maamulka Khaatumo, madax ka socota gobolka Banaadir,Hay’adaha caalamiga ah ee ka shaqeeya arrimaha gargaarka xubno matalaya Ururada maxalliga ah ee banii’aadannimada, culimada Soomaliyeed iyo Rugta Ganacsiga.

Guddoomiyaha oo ka qeyb galayaasha ku soo dhaweeyay shirka ayaa sheegay in shirkaan uu ahmiyaad gaar ah u leeyahay in la aqoonsado muhiimadda ay leedahay in gargaarka banii’aadannimo uu u gaaro dadka loogu tala galay, isagoo aad ugu dheeraaday raadadka iyo cawaaqib xumada ka dhalan karta marka gargaarka loo weeciyo musuqmaasuq ama lagu wajaho maamul xumo.

Horseed Media