Puntland oo mamnuucday jiriifka kalluunka iyo waxyeeleynta noolaha badda

Published: September 30, 2024

Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Dowladda Puntland ayaa maanta oo isniin ah 30 September 2024, waxay soo saartay sharci lagu mamnuucayo jiriifka badda sida waxyeelaynta dadka, noolaha iyo deegaanka badda.

Go’aankaan ayaa looga dhawaaqay shir ballaaran oo ay maanta xarunta Wasaaradda Kalluumaysiga ee magaalada Boosaso ku yeesheen xubno ka tirsan gollaha Wasiirada Puntland.

Shirkaan oo uu shir guddoomiyay Wasiirka Kalluumaysiga iyo khayraadka badda dowladda Puntland Cabdirisaaq Cabdullaahi Xagaa ayna goob joog ka ahaayeen Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Maxamuud Maxamed Gabax, Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Siciid Maxamed Raage iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Sharmaarke Yaasiin Beeldaaje ayaa looga hadlay waxyaalaha sababay in Wasaaraddu ay soo saarto go’aankaan.

Hoos ka akhriso:

Horseed Media