Axmad Madoobe oo isaga baxay shirkii Madasha wadatashiga qaranka

Published: October 7, 2024

Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaan ayaa maanta oo isniin ah ka dhoofey garoonka Muqdisho iyada oo shirkii madasha wadatashiga qaranka ee bilowdey Khamiistii wax natiijo ah ka soo bixin.

Safarka Axmed Madoobe ayaa yimid kadib markii uu ka biyo diidey heshiis la doonaayey in lagu gaaro shirka kaas oo uu ka soo shaqeeyey Madaxweyne Xasan Sheekh Maamuud.

Axmed Madoobe ayaa diidey in mar kale uu dib u dhigo doorashadii Jubaland oo ay ahayd in ay dhacdo bartamaha sanadkii hore 2023.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo madaxda Dowlad goboleedyada Koonfur Galbeed, Jubaland, Galmudug iyo Hir-shabelle ayaa sanadkii hore ku heshiiyey in doorashooyinka la wada simo oo lala qabto tan Hirshabelle oo la qorsheynaayo in ay dhacdo Nofeembar 2024. Mar kale Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa isku dayey in muddo sanad kale ah doorashooyinka lagu daro lagana dhigo Nofeembar 2025, taas oo Axmed Madoobe diidey.

Shirka waxaa ka maqan oo horey isaga baxdey Puntland.

Bixitaanka Axmed Madoobe waxay dhabar-jab ku tahay raysalwasaare Xamse Cabdi Barre oo ka soo jeeda Jubaland, waxaana la is weydiinayaa jihada siyaasadda dalku aadi doono, kadib burburka ku yimid shirka madasha ee Muqdisho ka socdey.

HORSEED MEDIA