Agaasimaha hay’adda NISA Cabdullaahi Sanbalooshe ayaa doonaya in uu dib ugu soo noqdo golaha wasiirada
Maalmihii u danbeeyey suuqa siyaasadda iyo isku-shaandheynta ayaa ahaa mid xiiso gaar ah leh, waxaana ay ku soo beegmatey iyada oo dowladdu cagaha kula jirto xiisadda Jubaland.
Wasiirka arrimaha dibadda Axmed Macalim Fiqi ayaa wararka hoose ee aan rasmiga ahayn sheegayaan in la geyn doono hay’adda NISA halkaas oo uu mar ka soo shaqeeyey. Axmed Macalin Fiqi ayaa aad ugu wanaagsan legdinta garoomada gudaha, waxaana adkaatey in u ka dheelo garoomada dibadda ee u baahan khibradda diblomaasiyadeed. Wararka suuqa siyaasadda yaala ayaa sheegaya in booskiisa uu geli doono Mahad Salaad Maxamed oo ahaa musharax u taagan xilka madaxweynaha Galmudug, waxaana uu doonayaa wasaaradda gaashaandhigga.
Agaasimaha hay’adda NISA Cabdullaahi Sanbalooshe ayaa doonaya in uu dib ugu soo noqdo golaha wasiirada, waxaana loo wadaa sida ay sheegayso wararka hoose Wasaaradda arrimaha gudaha iyo federaalka. Wasiirka ku qoondada ah ee hadda jooga wasaaradda Batrolka iyo macdanta Cabdirisaq Cumar ayaa la-taliye sare qaadanaya.
Wasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka Xil. Cali Yusuf Cali oo xilkan loo magacaabey bishii Abril ayaa wararku sheegayaan in uu ka bixi doono miiska golaha wasiirada. Wararka hoose waxay sheegayaan in laba nin midkood loo magacaabi doono Wasiirka arrimaha dibadda kuwaas oo kala ah: Cabdirisaaq Maxamed Abbokor oo xilkan horey u soo qabtey iyo Guleed Saalax Barre.
Wasiirka wasaaradda gaashaandhigga Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa aad u doonaya wasaarad aan ahayn kuwa ku jira “A” laakiin hadda kor u soo kacaysa waana Wasaaradda Batroolka maadaama uu xiriir dhaw la lee yahay Turkiye oo hadda bilowdey shidaal baaris.
Hab qaybsiga wasaaradaha ee A, B iyo C u kala baxa ayaa wax weyn ka khaldamayaan haddii beesha Madaxweynaha ay wada qaataan Gaashaandhigga, Arrimaha Gudaha iyo weliba Wasaaradda Qorsheynta, taas oo keeni karta in wasiiro kale la isku beddelo.
Dhaka kale ee hay’adaha madaxa banaan ayaa wararka suuqa siyaasadda yaala sheegayaan in Madaxweyne Xasan Sheekh uu soo xeryen doono ciyaaryahanka weyn ee Mustaf Dhuxulow waxaana loo wadaa Agaasimaha hay’adda socdaalka iyo jinsiyadaha.
HORSEED MEDIA