Joe Biden oo awoodiisa madaxweyne u isticmaaley wiilkiisa Hunter cafisna u fidiyey

2 December, 2024

Madaxweynaha Maraykanka ee xilka ka sii dagaya Joe Biden ayaa go’aansaday inuu cafis u fidiyo wiilkiisa Hunter Biden, inkastoo uu marar badan sheegay inuusan cafis u fidib doonin.

Madaxweyne Joe Biden ayaa ku dhawaaqay habeenkii Isniinta ee xiliga Soomaaliya inuu cafiyay wiilkiisa Hunter Biden , kaasoo horay loogu helay dambiyo la xiriira hub iyo canshuur.

Madaxweynaha Mareykanka ee xilka ka degaya ayaa dhowr jeer oo hore sheegay in uusan cafis u fidin doonin wiilka ay fadeexadu ku dhacday.

Intii lagu guda jiray dhammaadka todobaadka loo yaqaan “Thanksgiving”-ka ee Mareykanka, Joe Biden wuxuu go’aansaday inuu u jeedsado dhanka wiilkiisa oo ka xigsado in xiliga Trump xabsi dheer uu galo.

Madaxweyne Biden wuxuu qiil uga dhigayaa go’aankiisa muranka dhaliyay isagoo sheegay inay iska caddahay in Hunter loola dhaqmay si ka duwan maadaama uu yahay wiilka madaxweynaha.

“Ma jiro qof caqli gal ah oo eegaya xaqiiqda kiiska Hunter-ka oo ay u soo bixi karto jawaab aan ka ahayn in Hunter-ka loo faquuqay si fudud sababtoo ah waa wiilkayga – taasina waa khalad,” ayuu qoray Joe Biden.Madaxweyne Biden bayaan qoraal ah oo la daabacay habeenkii Axadda ee wakhtiga maxalliga ah.

Hunter Biden, oo 54 jir ah, ayaa bishii June lagu helay dambi ah in uu si sharci darro ah u iibsaday oo uu haystay qori iyo sidoo kale in uu ka been sheegay isticmaalkiisa daroogada markii uu dalbaday shatiga hubka. Intaa waxaa dheer, Hunter Biden wuxuu qirtay dambiga Sebtembar sagaal dembi oo la xiriira canshuur.

Hunter Biden ayaa khatar ugu jirey in lagu xukumo dambiyadaas dabayaaqada bishan.

Dambiyada lau soo oogey ayaa ah kuwo waaweyn oo gudaha Mareykanka keeni kara xabsi ilaa 25 sano ah. Laakiin khubarada ayaa u sheegay New York Times in maadaama uu yahay dembiilihii ugu horreeyay, ay u badan tahay in xukunka xabsiga uu noqon lahaa ugu badnaan hal sano.

Go’aanka Biden uu ku cafiyay wiilkiisa ayaa imaanaya 50 maalmood oo kaliya ka hor inta uusan xilka ku wareejin madaxweynaha la doortay ee Donald Trump . Trump ayaa sanado badan u weeraray qoyska Biden iyo Hunter Biden gaar ahaan dhibaatooyinkiisa dhanka shaqsiga ah.

“Waxaan rajeynayaa in dadka Mareykanka ay fahmi doonaan sababta aabbe iyo madaxweyne ay u gaari lahaayeen go’aankan,” ayuu Biden ku sheegay bayaanka uu soo saarey

Maaha markii ugu horeysay ee uu madaxwaynuhu awoodiisa fulinta u adeegsado cafiska xubin qoyskiisa ah.

Maalintii u dambaysay ee uu ahaa madaxweynaha, Bill Clinton waxa uu cafis u fidiyay walaalkii Roger Clinton oo ay isku aabbe ahaayeen oo lagu eedeeyay daroogo hore.

Bil ka hor inta uusan xilka ka tagin Donald Trump, waxa uu cafis u fidiyay wiilka uu soddoga u yahay Jared Kushner aabihiis, Charles Kushner , dambiyo federaal ah oo lagu helay. Horaantii todobaadkan, Donald Trump wuxuu ku dhawaaqay inuu isla Charles Kushner u magacaabayo safiirka Faransiiska.

HORSEED MEDIA