Garowe, Puntland: Shirkan ayaa ku saabsan daadejinta maamulka iyo dowlad wanaagsan kaas oo laga fulinaayo ilaa 6 degmo
Wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dimoqraadiyadda Puntland ayaa maanta Garoowe ka furtey shir ay ka soo qaybgaleen guddoomiyaasha degmooyinka Puntland. Shirka ayaa ku saabsan u-qareemidda daadejinta maamulka Maaliyadeed iyo adeeg bixinta Dawladaha hoose ee Puntland.
Shirka waxaa furey Madaxweyne ku-xugeenka Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor, waxaana uu socon doonaa saddex maalmood.
Wasiirka arrimaha gudaha Puntland Cabdi Juxaa oo khudbad ka jeediyey furitaankii shirka ayaa sheegay in shirku uu yahay mid muhim ah oo diiradda lagu saaraayo ilaa 6 degmo, barnaamijka maamul daadejinta ayuu sheegay in uu ahaa himilo soo raagtey, degmooyin horey si tijaabo ah looga fuliyey ayaa jira oo ay ka mid ahaayeen Qardho, Garoowe, Boosaaso iyo Gaalkacyo, Wasiirka ayaa sheegay in maamulka degmooyinkaas ay soo bandhigi doonaan wixii u qabsoomey iyo caqabadaha ka horyimid.
Taladii waa la idinku soo wareejiyey, goloyaashii deegaanka waa la doortey, dowladdii waa idinka, laakiin adeega intee la daadejin karaa, caqabado badan ayaa jira, waxaana la rabaa in shirkaan is dultaago sida wax lagu sixi karo.
Cabdi Faarax Juxaa ayaa sheegay in ujeedka ugu weyn yahay in degmooyinku ay bixiyaan adeegga bulshadu u baahan tahay.
Maamul baahinta iyo dowlad wanaagsan ayaa laga fulin doonaa hadda ilaa lix degmo oo kala ah Baran, Dhahar, Ufeyn, Iskushuban, Baargaal iyo Dangoroyo.
Maamaulka degmooyinka ayaan maamulin adeegyada asaasiga ah sida caafimaadka iyo waxabrasada waxaana ay si toos ah u hoostagaan Dowladda Dhexe ee fadhigeedu yahay Garoowe oo soo magacaabta maamule isbitaal iyo maamule Iskool, taas oo caqabad weyn ku noqotey waxa ay maamulayaan guddoomiyaasha degmooyinku.
HORSEED MEDIA