Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullahi Deni ayaa sheegay in Puntland wado daraasadda dhaqan gelinta lacag shilling u gaar ah sanadka 2025.
Deni ayaa sheegay in Puntland muddo dheer sugaysay in dowlada Soomaaliya sameyso lacag cusub, illaa hadana waxna soo muuqan, arrintaasi oo ku khasabtay go’aankan ay ku sameysanayso lacag u gaar ah.
Madaxweynaha Puntland, ayaa khudbadiisa ku sheegay in xaalada Soomaaliya ay hada mareyso meel halis ah oo ay ku adag tahay in wadajirkii iyo dowladnimadii lasii wado, oo ay hay’adihii dadka ka dhexeeyey u muuqdaan kuwo dad gaar ah caburinaya ama dowladnimadii burburinaya.
“…Adduunka waxaa jira dalal baddan oo Federaal ah oo laba lacagood kala leh, macneheedu maaha Soomaalinimadii inaan ka baxnay, laakiin waxaa rabnaa Puntland lacag ay leedahay inaad daraasadeeda bilowdaan oo aad raadisaan.
Muddaa sugeynay in dowlada mid ah in shilling Soomaali mideysan la sameeyo, ma muuqato.
Dowlada Puntland go’ankaas waayadan ayey ka shaqeenaysay oo daraasadeeda socotaa.
Waxaa rajeenaynaa muddo gaaban oo inta lagu jiro 2025 la helo lacag Puntland ay leedahay, oo hadhow la jaan qaadi doonta nidaamka maaliyadeed ee Soomaaliya marka uu “Miirka” iyo “Maskaxdda” soo noqoto, oo dad Soomaaliyadeed oo is oggol oo nidaam waaxid ah yeeshaan…” ayuu yiri Madaxweyne Deni oo khudbad kasoo jeediyey xarunta Bangiga Puntland ee Bosaaso.
Horseed Media