Soomaaliya ayaa Ruwanda kala wareegtay hogaanka golaha Wasiirada Gaashaandhigga ciidanka gaarka ah ee Gobolka Bariga Afrika (EASF).
Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa dhiggiisa dalka Rwanda Juvenal Marizamunda kala wareegay xilka Guddoomiyaha Golaha Wasiirada Gaashaandhigga iyo Amniga ee Gobolka Bariga Afrika.
Soomaaliya ayaa jagadan la wareegtay intii uu socday shirka sanadlaha ee 33-aad ee dejinta Siyaasadaha oo ay iskugu yimaadeen Madaxda dalalka (EASF) oo ka dhacay magaalada Kigali ee dalka Rwanda.
Dhanka kale, Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay guddoominaysa Golaha Wasiirrada Gaashaandhigga ee EASF, iyadoo ay kasoo wareegtay 20-sanno wakhtigii ururkan la aas’aasay.
Ugu dambayn, Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa u mahadceliyey gudoomiyaha uu xilka kala wareegay, wuxuuna ballan qaaday in Soomaaliya ka go’an tahay wada shaqaynta dhammaan dawladaha xubnaha ka ah EASF. Wuxuuna Wasiirku casuumaad u fidiyey in kalfadhiga kan xiga ay Soomaaliya marti gelin doonto.
Horseed Media