Sarkaalkan ayaa sheegay inuu diiday 90 kun oo doolar oo ay usoo dirtay dowladda Federaalka Soomaaliya
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland, Axmed Maxamed Islaam ayaa Dhame Cabdixakiin Xasan Cartan (Jabuuti) Taliyaha aaga Waqooyi ee Magaalaada Kismaayo ee Ciidanka Booliska Jubaland, u dallacsiiyey darajada gaashaanle.
Dalacsiinta sarkaalkan ayey Jubaland ku sheegtay inuu ku helay kadib markii uu iska diiday inuu qaato dhaqaale dhan 90 kun oo doollar oo ay dowladda Federaalku usoo dirtay si uu uga hor yimaado xukunka madaxweyne Axmed Madoobe.
Dhanka kale, Jubaland ayaa dowladda Federaalka Soomaaliya ku eedaysay inay dhaqaale ku bixinayso sidii ay u kala furfuri lahayd ciidamada dowlad goboleedkaasi.
Madaxweynaha ayaa bogaadiyay sarakiisha iyo shacabka ree Jubaland oo iska diiday damaca guracan ee la doonayay in xasarado lagaga abuuro deegaankooda.
Horseed Media