Wasiir Cabdirisaq: “Madaxweynaha qaddiyadda Hiiraan ayaan isku qabanay.”

10 hours ago

Cabdirisaaq Cumar oo maanta xilka qaadis lagu sameeyay ayaa sheegay in ay Madaxweynaha isku khilaafeen xalinta tabashooyinka Hiiraan

Cabdirisaaq Cumar maxamed

Cabdirisaaq Cumar ayaa sheegay in xika qaadistiisa ay salka ku hayso tabashada reer Hiiraan ay ka qabaan maamulka Hirshabeelle, isagoo sheegay in aragti kala duwanaasho soo kala dhex gashay isaga iyo Madaxweyne Xasan Sheekh.

“Xil ka qaadistayduna waxa ay ku timid kala aragti duwanaansho la xiriirta sida loo wajahayo xalinta tabashooyinka reer Hiiraan ay ka qabaan maamulka Hirshabeele, tabashooyinkaas oo soo jiray ilaa bilawgii dhismahii HirShabeele, muddo xileedkii hore ee Madaxweyne Xasan Sheekh, mudadaas oo xalka loo arkay in maamulka hirshabeele caasimad looga dhigo Buloburde, arintaas oo aan hirgelin, laakiin is afgarad lagu gaaray in Jowhar ay noqoto caasimadda maamulka HirShabeele”. ayuu yiri Wasiirkii hore ee Batroolka Soomaaliya.

Xildhibaan Cabdirisaaq waxa uu soo qaatay tabashooyinkii ka jiray reer Hiiraan oo uu tilmaamay in marba marka ka dambeeysay isa soo tarayeen ayna sii xoogaystay waqtigii uu Maxamed Cabdullahi Farmaajo uu dalka Madaxweynaha ka ahaa, iyadoo lagu guul daraystay waqtigaa in tabashada ay qabeen reer Hiiraan xal laga gaaro.

“Mabda’iyan Madaxweynaha, aniga iyo siyaasiyiinta kale waxaan ka midaysnayn in tabashooyinka ay qabaan reer Hiiraan ay yihiin tabashooyin dhab ah una baahan xal ay qayb ka yihiin maamulka HirShabeele iyo dowladda dhexe. Hase ahaatee waxaa jiray kala aragti duwanaasho ah xalka ugu haboon oo loo xallin karo tabashooyinkaas, aniga waxaan qabay in xalka laga bilaabo reconciliation iyo in beelaha labada deegaan ee ku midaysan maamulka HirShabeele ee leh oday dhaqameed, Culumo iyo siyaasiyiin laga qaybgeliyo kana heshiiyaan sida ay noqonayso HirShabeelada cusub, lagana heshiiyo arrimaha gundhigga u ah tabashooyinka oo ay ka mid yihiin Caasimadda iyo Baarlamaanka HirShabeele” Ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Habeenkii jimacada ayaa waxaa shir isugu yimid Madaxweynaha iyo Wasiirka xilka laga qaadey Cabdirisaaq Cumar, waxaana adkaatey in ay isu soo dhawaadaan, sidoo kale Agaasimaha hay’adda Sirdoonka oo isaguna ka soo jeeda Hiiraan ayaa taageeray Madaxweynaha isaga oo doonaayey in Wasiir Cabdirisaaq ka baxo golaha wasiirada.

Ugu danbytii ayuu qoraalkiisa ku yiri “Xalka tabashooyinka oo aan aniga (Cabdirisaaq) iyo xildhibaanada isku aragti ka ahayn, ayaa waxaa adkaatay inaan isla fahano Madaxda Hirshabele, taliyaha Sirdoonka iyo nabad sugidda iyo Madaxweyne JFS, waana ta sababta xil ka qaadistayda.

Wasiir Cabdirisaaq ayaa lagu tilmaami jirey nin aad ugu dhaw madaxweyne Xasan Sheekh, waxaana uu kamid ah tiirar kamid ah doorashadiisi.

HORSEED MEDIA