Hakan Fidan, wasiirka arrimaha dibada ee Turkiga oo Axaddii shalay booqday Dimishiq ayaa kulamo la yeeshay madaxda cusub ee Suuriya.
Wasiirka arrimaha dibadda ee Turkiga ayaa la kulmay madaxa maamulka cusub ee Suuriya, isagoo u ballan qaaday in gacan laga siin doono isbeddelka siyaasadeed iyo dib u dhiska dalka ay dagaalladu aafeeyeen ka dib markii la riday nidaamka Bashaar Al-Asad.
Kulanka Hakan Fidan iyo hogaamiyaha Ahmed al-Sharaa ayaa looga hadlay baahida loo qabo midnimada iyo xasiloonida Suuriya, iyagoo ku baaqay in laga qaado dhammaan cunaqabateynta caalamiga ah.
Fidan ayaa sheegay in cunaqabateynta saaran Dimishiq la qaado “sida ugu dhaqsaha badan” beesha caalamkana “ay u baahan tahay in ay abaabulaan sidii ay Suuriya dib cagaheeda isugu taagi lahayd iyo in dadkii barakacay ay dib ugu soo laabtaan dalkooda”.
Horseed Media