Booliska Puntland oo soo bandhigay dhalinyaro cusub oo kamid noqonaya booliska

9 hours ago

Markii u horeysey ayaa ciidanka booliska Puntland bilaabay in ay qortaan dhalinyarada jaamacadaha ka baxay iyaga oo loo ballan qaadey mushahar wanaagsan.

Taliska Ciidanka Booliska Puntland ayaa shaagay in ay ku guuleysteen shaqaleysiinta dhaliyaro badan oo kamid ahayd dhalinyaradii soo codsatey in ay Booliska ka mid noqdaan, kuwaas oo dhammaantood ka baxay jaamacadaha dalka.

Hoggaanka Booliska Dowladda Puntland ayaa sheegay in dhalinyarada cusub ay qaadan doonaan tababaro la xiriira Booliska.

“Ciidanka boliiska dowladda Puntland ayaa qaatay 500 oo dhalinyaro ah kana baxday jaamacadaha isuguna jirta rag iyo dumar kuwaas oo ku soobaxay codsiga qaadashada, loona tabaridoono saraakiil iyo takhakhusaad gaara” ayaa lagu yiri qoraalka Booliska.

Gudoomiyaha gudiga qorista iyo xulusta ciidanka boliiska dowladda Puntland G/sare Cabdifatax Cabbdiqadir Axmed, kuxigeenka gudiga G/sare Cabbdirisaq Ismaaciil Xasan(Darwiish) iyo kaaliyaha Taliyha ciidanka boliiska dowladda Puntland G/sare Axmed Cabdi Sugule ayaa ugu hambalyeeyey dhalinyarada ku guulaystay fursada kamid noqoshada ciidanka boliiska dowladda Puntland,kuna bogaadiyey iney siwanaagsan uga faaiidaystaan.

Taliyaha ciidanka boliiska dowladda Puntland S/guuto Mumin Cabdi Shire ayaa kulan la qaatay gudigaqorista iyo xulusta ciidanka, taliyaha kuliyada Carmo iyo saraakiisha iyagoo siwadajir ah qorshe adag kayeeshay soo dhawaynta iyo qaabilaada dhalinyaro cusub ee boliisku qaatay.

Dhallinyarada waxbaratay ee Puntland ayaa loogu baaqay inay ku biiraan ciidanka booliska, si halkaasi ay uga helaan fursado shaqo islamarkaana ay u daboolaan baahida loo qabo boolis xirfadle ah oo ku shaqeyn kara nidaamka casriga ee Teknoolojiga.

Horseed Media