Dagaal saacado kooban socdey ayaa maanta ka dhacay degmada nabadda ahayd ee Doolow ee gobolka Gedo.
Degmada Doolow ee gobolka Gedo maamulka Jubaland ayaa laga soo sheegayaa maanta oo Isniin ah in ay ka dhaceen dagaal u dhexeeya ciidamada daraawiishata Jubaland iyo kuwa dowladda federaalka ah.
Wararku waxay sheegayaan in diyaarad ka timid Kismaayo oo ay la socdeen Guddoomiyaha gobolka Gedo ee maamaulka Jubaland magacaabey, wasiiro iyo saraakiil kale ay ka degeen garoonka diyaaradaha ee Doolow, kadib waxaa isku dayey in ay celiyaan ciidamada NISA ee ku sugnaa halkaas, taas oo keentey in dagaal cabbaar socdey uu ka dhacay Doolow.
Magaaada Doolow waxaa ku sugan Madaxweyne ku-xigeenka Jubaland Maxamuud Aadan Sayid, sidoo kale waxaa magaalada qayb ka deggan ciidamada Itoobiya ee ku hawlgala magaca ATMIS.
Dagaalka ayaa keenay in ciidamada NISA ay isaga baxaan aaga garoonka diyaaradaha ee Doolow.
Gacan ka hadalka ayaa dhaliyey khasaare dhimasho iyo dhaawac leh oo soo kala gaartey labada dhinac.
Tan iyo markii uu fashimey hawlgalkii dowladda ee Raaskaambooni ayey hadda xoog saartey gobolka Gedo oo taageerada Kismaayo ay aad ugu yar taahay.
HORSEED MEDIA