Jubaland oo war kasoo saartay dagaalada Doollow iyo Kulbiyoow

11 hours ago

Jubaland oo DFS ku eedaysay labadii dagaal ee maanta ka dhacay Doollow iyo Kulbiyoow

Warsaxaafadeed kasoo baxay madaxtooyada dowlad goboleedka Jubaland ayaa lagu cambaareeyey dagaaladii maanta ka dhacay degmada Doollow ee gobolka Gedo iyo deegaanka Kulbiyoow ee gobolka Jubada Hoose.

Madaxtooyada Jubaland ayaa sheegtay inay ciidamada nabadsugida Soomaaliya ay saaka weerar ku qaadeen degmada Doollow ee gobolka Gedo, gaar ahaan garoonka diyaaradaha, saldhiga Booliska iyo xarunta degmada Doollow.

Dhanka Kale, Jubaland ayaa sheegtay in sidoo kale weerar lagu qaaday Guddoomiyaha degmada Badhaadhe ee gobolka Jubada Hoose, Xasan Gaaljeceloow oo safar u ahaa deegaanka Kulbiyoow oo hoostagga degmadaasi oo ay dhex u galeen ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka.

Jubaland ayaa cadaysay in masuuliyadda dagaalada ay qaadayso Dowladda Federaalka Soomaaliya, oo ay ku eedaysay inay lacago ku bixinayso hurinta colaado ka bilowda deegaanada Jubaland.

Horseed Media