Bangaladesh oo dalbatey in loo soo celiyo hoggaamiyihii hore ee dalkaas ee Hindiya u baxsatey

21 hours ago

Bangladesh waxay si rasmi ah uga codsatay Hindiya inay u soo gacan geliso ra’iisal wasaarihii hore ee Sheikh Hasina

Sheikh hasina

Hasina waxay u baxsatey dalka Hindiya ka dib mudaaharaad ay ardaydu horkacayeen oo soo afjaray 15 sano oo ay xukunka haysay.

Bangladesh ayaa Hindiya u gudbisay codsi rasmi ah oo ay ku doonayso inay ku soo gacangeliso ra’iisal wasaarihii hore ee Sheikh Hasina , oo u qaxday New Delhi bishii Agoosto iyada oo ay socdeen mudaaharaadyo ay ardaydu horkacayeen oo soo afjaray 15 sano oo ay xukunka haysay, sida uu sheegay la taliyaha arrimaha dibadda ee dalkaas.

Xiriirka u dhexeeya dalalka jaarka ah ee Hindiya iyo Bangaladesh, oo leh xiriir ganacsi iyo dhaqan, ayaa noqday mid aad u adag tan iyo markii Xasina xilka laga tuuray ka dib markii ay rabshado ka dhaceen dalkaas, waxaanay magan-gelyo ka heshey Hindiya.

“Waxaan u dirnay qoraal arasmi ah dawladda Hindiya oo aan ku sheegayno in dawladda Bangladesh ay doonayso Xasiina inay halkan ugu soo noqoto si ay u hortagto caddaaladda,” Towhid Hossain oo ka tirsan arrimaha dibadda Bangaladesh ayaa u sheegay warfidiyeenka.

Hindiya ayaa xaqiijisey in codsigu soo gaarey.

“Waxaan xaqiijineynaa in aan maanta ka helnay qoraal ka yimid guddiga sare ee Bangladesh oo la xiriira codsi isu-celinta. Waqtigan, ma hayno wax jawaab ah oo aan ka bixinno arrintan, “Afhayeenka rasmiga ah ee wasaaradda arrimaha dibadda Hindiya ayaa yiri.

Sheekh Hasina ayaa wajaheysa dacwado badan oo ay ka mid yihiin dambiyo ka dhan ah bini’aadantinimada, xasuuq iyo dil mudadii dherayd ee ay dalkaas ka talineysey.

HORSEED MEDIA