Ra’iisul wasaare Maxamed Al-Bashiir ayaa todobaadkii hore sheegay in dib u habeyn lagu sameyn doono wasaaradda gaashaandhiga
Hogaamiyaha Suuriya Axmed al-Sharaa ayaa sheegay in xoogaga ka soo qaybqaatey in dalka laga xoreeyo Bashar al-Assad ay isku raaceen in la kala diro kadib shir uu la yeeshay madaxda kooxaha.
Axmed al-Sharaa ayaa heshiis la gaaray kooxaha fallaagada si ay hal ciidan ah u hoos taga wasaaradda gaashaandhigga u noqdaan, sida uu sheegay maamulka cusub ee Suuriya.
Shir u dhexeeyay al-Sharaa iyo madaxda kooxaha “wuxuu ku dhamaaday is afgarad ku saabsan in la kala diro dhammaan kooxaha iyo isku dhafka iyaga oo ay ilaalinayso wasaaradda gaashaandhigga”, ayaa lagu yiri hadal uu soo saaray maamulka cusub maalintii Talaadadii.
Si kastaba ha ahaatee, kooxda Kurdiyiinta iyo kooxda SDF ee uu Maraykanku taageero ee waqooyiga bari ee Suuriya ayaan qayb ka ahayn heshiiska hadda la shaaciyay.
HORSEED MEDIA