Diyaarada Azerbaijan Airlines oo ku burburtay Kazakhstan

1 day ago

Diyaarad rakaab ah oo ay saarnaayeen 67 qof ayaa ku burburtay meel u dhow magaalada Aktau.

Ugu yaraan 38 qof ayaa dhimatay kadib markii diyaarad rakaab ah oo ay leedahay shirkadda Azerbaijan Airlines ay ku burburtay meel u dhow magaalada Aktau ee dalka Kazakhstan.

Diyaarada oo ay la socdeen 62 rakaab ah iyo 5 shaqaale ah ayaa burburtay Arbacadii kadib markii lagu qasbay inay si deg deg ah u degto meel 3 km u jirta Aktau.

Diyaaradan oo nooceedu ahaa Embraer 190 ayaa ka soo duushay caasimada Asarbayjaan ee Baku kuna wajahneyd magaalada Grozny ee dalka Ruushka.

Shirkadda Azerbaijan Airlines ayaa sheegtay in ay joojinayso dhammaan duullimaadyadeeda ka imanayay Baku kuna sii jeeday gobolka Chechnya ee Ruushka ilaa inta baaritaanka laga soo gabagabeynayo, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Ruushka ee TASS.

Horseed Media