Golaha Amaanka ee QM ayaa oggolaaday howlgalka cusub ee nabad ilaalinta Soomaaliya

1 day ago

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ansixiyey hawlgalka cusub ee AUSSOM, Maraykanka ayaa ka aamusay.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa oggolaaday howlgalka xasilinta iyo taageerada Midowga Afrika ee Soomaaliya – oo loo yaqaanno AUSSOM – kaas oo beddelaya howlgalka ballaaran ee Midowga Afrika ee ka hortagga argagixisada laga bilaabo Jan 1, 2025.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa Jimcihii maanta meel mariyay qaraar qabyo ah oo ay soo diyaarisey UK kaas oo lagu dhisayo Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM).

15-ka xubnood ee golaha amaanka ayaa meel mariyay qaraarka qabyada ah oo UK ay soo diyaarisey, waxaana oggolaatay 14 dal, waxaana ka aamusay Mareykanka oo kaliya.

AUSSOM waxay bedeli doontaa howlgalka Midowga Afrika ee ku meel gaarka ah ee Soomaaliya (ATMIS), kaasoo howshiisa uu ku eg yahay 31-ka December.

Qoraalka qabyada ah ayaa u oggolaanaya xubnaha Midowga Afrika (AU) inay geeyaan illaa 12,626 askari oo direyska ciidanka xiran, oo ay ku jiraan 1,040 boolis ah, ilaa 30ka Juunyo 2025, iyo in la dhammaystiro taariikhdan dib u habeynta dhammaan ciidammada Midowga Afrika ee ATMIS ee AUSSOM.

Soomaaliya waxay sheegtay in 11 kun oo askeri hadda diyaar yihiin oo ka mid noqonaaya 12 kun ee la oggolaadey, kuwaas oo aysan ku jirin ciidamada dowladda Itoobiya, taas oo muujin karta in aan loo baahan.

Danjire James Kariuki, ku xigeenka ergayga joogtada ah ee ergada United Kingdom ee Qaramada Midoobay, ayaa sheegay in qaraarkan uu “si adag” u xoojinayo taageerada uu Goluhu siiyo Soomaaliya.

“Waxay u fasaxday AUSSOM inay Soomaaliya ka taageerto dagaalka ay kula jirto Al-Shabaab, xoojinta dadaallada xasilinta Soomaaliya, iyo awood siinta gargaarka bani’aadamnimo,” ayuu yiri Kariuki.

Midowga Yurub iyo Maraykanka, oo ah maalgeliyayaasha ugu sarreeya ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya, ayaa rabey in la dhimo tirada ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika sababo la xiriira walaac ku saabsan maalgelinta muddada dheer iyo sii jirista, sida ay ilo-wareedyo u sheegeen Reuters bishii June.

Maraykank ayaa ka aamusey codeynta taas oo muujineysa walaaca ay ka qabaan maal-gelinta AUSSOM, qaar kamid ah Senator-ka guddiga arrimaha dibadda ayaa ku baaqey in go’aankan VETO loo isticmaalo, laakiin waa ka aamuseen.

HORSEED MEDIA