Dowladda Soomaaliya oo baaq nabadeed kasoo saartay dagaal beeleedyada

2 days ago

Wasaaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay colaadaha ay sababayaan qaar kamid ah beelaha walaalaha ah ee Soomaaliyeed.

War saxaafadeed ay soo saartay wasaaradda arrimaha gudaha DFS, ayaa lagu sheegay inay dowladu ka xun tahay colaadaha iyo beegsiga dadka walaalaha ah ee isku isirka ah, kuwaas oo ay ka dhasheen khasaare lixaad leh oo isugu jira dhimasho, dhaawac iyo barakicin.

Dowladda ayaa ugu baaqday odayaasha dhaqanka, culimada, haweenka iyo waxgaradka in loo istaago sidii loo qaboojin lahaa dabka baxaya, loona joojin lahaa dhiigga daadanaya.

Baaqa dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa kusoo aaday iyadoo maanta Gobolka Mudug gaar ahaan deegaanka lagu magacaabo Jiicboor uu ka socdo dagaal xooggan oo u dhexeeya malayshiyo beeleed ka soo kala jeeda beelaha Leelkase iyo Sacad.

Horseed Media