Madaxweyne Xasan Shiikh oo lagu soo dhoweeyey dalka Jabuuti

2 days ago

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa si diirran loogu soo dhaweeyey magaalada Jabuuti ee Jamhuuriyadda Jabuuti, ka dib martiqaad uu ka helay dhiggiisa dalkaasi, Ismaaciil Cumar Geelle.

War kasoo baxay madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay inay labada Madaxweyne ka wadahadli doonaan xoojinta xiriirka walaaltinimo ee ka dhexeeya labada dal iyo labada shacab, iyagoo diiradda saari doona iskaashiga dhinacyada amniga, dhaqaalaha, iyo arrimaha gobolka.

Inta lagu gudajiro booqashadan halka maalin ah ayaa waxaa sidoo kale la iskula soo qaadi doonaa wadaxaajoodyo la xiriira danaha wadaagga ah ee labada Jamhuuriyadood ee walaalaha ah.

Madaxweyne Xasan ayaa isku maray wadamada Jabuuti & Eritrea oo aan xariir laheyn, tan iyo markii la saxiixay heshiiska Itoobiya iyo dowladda Soomaaliya oo ku jirta marxaladda isbedelka hawgalka ATMIS.

Horseed Media