Wasiirrada arrimaha dibadda ee Faransiiska iyo Jarmalka oo booqday Dimishiq

3 January, 2025

Wasiirrada arrimaha dibadda ee Faransiiska iyo Jarmalka ayaa gaaray Dimishiq si ay ula kulmaan madaxda cusub ee Suuriya.

Wasiirada Annalena Baerbock ee Germany iyo Jean-Noel Barrot ee France ayaa wadahadal la yeelan doona hogaamiyaha Ahmed al-Sharaa, oo sidoo kale loo yaqaan Abu Mohammed al-Julani, caasimadda Suuriya maanata oo Jimce ah.

Labada wasiir ayaa sidoo kale booqay xabsiga Sednaya, oo ah goobta ay ka dhaceen xukunada dilka ah iyo jirdilka ah, taasoo tusaale u ah arxan darada qoyska Al-Asad ee dalkaasi xukumayay.

Waa safarkii ugu horreeyay oo saraakiisha sare ee Midowga Yurub ay ku tagaan dalkaas tan iyo markii la riday madaxweynihii hore ee Bashaar al-Assad bishii hore.

Horseed Media