Dowlada Kuuriyada Koonfureed oo hakisay isku daygii ay ku xireysay Madaxweynihii hore

3 January, 2025

Xafiiska la dagaalanka musuqmaasuqa ayaa sheegay in lagu guuleysan waayey in lasoo xiro Madaxweynihii hore Yoon ka dib markii illaaladiisa ay is-hortaageen.

Maamulka Kuuriyada Koonfureed ayaa hakiyay isku daygii lagu doonayay in lagu xiro madaxweynaha xilka laga qaaday ee Yoon Suk-yeol ka dib markii ay saacado socotay iska horimaad dhexmaray illaaladiisa iyo ciidamada amniga gudaha hoyga Mr.Yoon ee bartamaha caasimadda Seoul.

Baarayaasha ayaa soo gaaray guriga Yoon subaxnimadii hore ee Jimcihii si ay u xiraan hogaamiyahan, taasoo qeyb ka ah baaritaanka lagu eedeynayo ee ku takri falka awoodda ee la xiriirta soo rogida sharciga dagaalka 3-dii Diseembar, kaas oo geliyey dalkaasi xiisadda siyaasadeed.

Ciidamadda bilayska ayey ka bateen askartii ilaalinaysay ammaanka madaxweynihii hore, sida uu sarkaal u sheegay saxaafadda.

Amarka xiritaanka ayaa loo qabtay ilaa 6da Janaayo, wuxuuna siinayaa baarayaasha 48 saacadood oo kaliya inay ku hayaan Yoon ka dib marka la xiro. Baarayaashu waa inay markaas go’aansadaan inay codsadaan waaran xabsiyeed ama in la sii daayo.

Ciidamadda illaalada Yoon ayaa hore uga hor istaagtay booliiska fulinta dhowr waaran ee xiritaanka madaxweynahii hore.

Haddii la xiro, hogaamiyaha muxaafidka ayaa noqon doona madaxweynihii ugu horeeyay ee la xiro taariikhda Kuuriyada Koonfureed.

Horseed Media