Cabsida qaraxa foolkaanaha Itoobiya oo keentay baro-kaca shacabka

4 January, 2025

Foolkaanaha deegaanka Awash Fentaale ee gobolka Canfarta ayaa laga cabsi qabaa inuu qarxo.

Foolkaanaha waqooyi bari Itoobiya ayaa muujinayay calaamado inuu qarxayo, taasoo keentay in mas’uuliyiintu ay dadka deegaanka u raraan hoy ku meel gaar ah, mid ka mid ah idaacadaha xiriirka la leh dowladda iyo xafiiska dhulka ee dowladda ayaa sheegay.

Machadka Juquraafiga Itoobiya ayaa bartiisa Facebook soo dhigay muuqaal muujinaya wax u eg boodh iyo qiiq ka soo baxaya foolkaanaha deegaanka Awash Fentaale ee gobolka Canfarta.

Warbaahinta Fana oo soo xiganaysa maamul goboleedka Canfarta, ayaa ku warantay in maamulku uu dadkii deganaa ka saaray aaggaas, oo qiyaastii 165 km u jira caasimadda Addis Ababa.

Shiferaw Teklemariam, oo ah Guddoomiyaha Guddiga Maareynta Khatarta Musiibooyinka Itoobiya, ayaa sheegay in ay goor hore tahay in dhaqdhaqaaqa lagu tilmaamo qarax, balse mas’uuliyiintu ay sii bilaabeen daadgureynta shacabka.

Aagga folkaanaha ayaa sidoo kale laga dareemayey dhulgariir bilihii la soo dhaafay.

Horseed Media