Dowladda Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay oo ka wada hadlay xaaladda abaaraha ee dalka

2 days ago

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo diyaarinaysa shir dhaqaale loogu aruurinayo xaaladda abaaraha

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA, Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa kulan muhiim ah la yeeshay ku xigeenka Ergeyga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya George Conway oo horkacayay madax ka socotay hay’adaha kala duwan ee Qaramada Midoobay oo ay ku jirto OCHA.

Kulankan ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray xaaladda abaaraha ee dalka, qorsheyaasha ka jawaabista baahiyaha bini’aadannimo ee sanadka 2025, iyo sidii loo xoojin lahaa wada-shaqeynta hay’adaha gargaarka iyo Hay’adda SoDMA.

Sidoo kale, kulanka ayaa looga wadahadlay sidii loo abaabuli lahaa shir guud oo lagu uruurinayo dhaqaale lagu taageero dadka nugu ee ay saameeyeen abaaraha iyo xaaladaha kale ee dalka ka taagan.

Horseed Media