Malayshiyo hubeysan oo weerar ku qaadey madaxtooyada dalka Chad

20 hours ago

Ugu yaraan 19 qof ayaa lagu dilay weerar lagu qaaday xarunta madaxtooyada Chad ee caasimadda dalka Chad ee N’Djamena, sida ay ku warantay wakaalada wararka ee TASS.

Maleeshiyo hubaysan ayaa weerar ku qaaday aqalka madaxtooyada ee caasimadda Chad ee N’Djamena, fiidnimadii Abacada sida ay soo werisey wakaalada wararka ee Ruushka, 18 ka mid ah raggii weerarka soo qaaday ayaa isla goobtaas lagu diley. Wax yar ka dib maamulka ayaa ku dhawaaqay in xaaladdu ay gacanta ku hayso, isla markaana aysan jirin wax argagax ah.

Telefishinka Alcarabiya oo soo xiganaya ilo wareedyo ayaa sheegay in ciidamada qalabka sida ee Chad ay iska caabiyeen weerar kooxda argagixisada Boko Haram ay ku soo qaadeen xarunta madaxtooyada. Al Arabiya ayaa sheegay in madaxweyne Mahamat Idriss Deby Itno uu ku sugnaa gudaha qasriga.

Taangiyo iyo cutubyo ka tirsan booliska ayaa la geeyey qasriga. Amniga ayaa aad loo adkeeyey, waxaana jira isu soo baxyo lagu taageerayo madaxweynaha Chad Mahamad Idiris.

HORSEED MEDIA