Dabkii Los Angeles oo gaaray Hollywood, 1500 guri oo gubtay

16 hours ago

Dab cusub oo horleh ayaa ka bilowday buuraha Hollywood Hills ee magaalada Los Angeles.

Dab cusub ayaa arbacadii gelinkii danbe ka kacay agagaarka Hollywood Hills ee magaalada Los Angele, kadib markii dab kale oo gobolkaasi ka dhacay ay ku dhinteen ugu yaraan shan qof, isla markaana ay burburiyeen boqolaal guri.

Mas’uuliyiinta gobalka ayaa soo saaray amaro daadgureynta in ka badan 100-kun oo qof oo ku noolaa deegaanada uu dabka gaaray.

Abaarta ka jirta gobalka California ee galbeedka Mareykanka ayaa sababtay kaymaha qalalay iyo dabeylaha halkaasi ka dhacaya ayaa u fududeeyey in dabka uu cagta mariyo dhul baaxadiisa tahay [6,500 hectares] deegaanka Pacific Palisades, halka dab kale oo ka holcaya deegaanka Altadena uu cagta mariyey dhul baaxadiisa tahay [4,300-hectare].

Fiidnimadii Arbacada, dab cusub ayaa ka kacay Hollywood Hills, oo dhawr boqol oo mitir u jirta Hollywood Boulevard, ayaa sababtay in laga qaxo xaafada tujaarta iyo xarunta caalamka ugu weyn ee aflaamta laga soo saaro.

Horseed Media