Venezuela: Hogaamiyaha mucaaradka oo xabsiga loo taxaabay kadib mudaaharaadyo looga soo horjeedo dowladda

13 hours ago

Hoggaamiyaha mucaaradka Venezuela Maria Corina Machado ayaa la xiray Khamiistii kadib markii ay ku biirtay mudaaharaadyada dowladda looga soo horjeedo ee ka socda caasimadda Caracas.

Hoggaamiyaha mucaaradka Venezuela Maria Corina Machado ayaa la xiray Khamiistii markii kolonyadii mooto ay la socotay ay rasaas ku fureen ciidamada ammaanka xilli ay ku sugneyd dibad-bax ka dhan ah dowladda oo ka dhacayay magaalada Caracas.

Machado oo muddo bilo ah ku jirtay dhuumaaleysi ayaa Khamiista mar kale kasoo muuqatay meel fagaare ah.

Kooxda saxaafadda ee Machado ayaa baraha bulshada ku sheegay in ciidamada ammaanku ay “si xoog ah u qabteen” kolanyada markii ay ka baxayeen bariga magaalada Caracas.

Ma jiro wax tafaasiil ah oo dheeraad ah oo ku saabsan halka ay ku sugan tahay, dowladda Maduro ayaana wali ka hadlin. Laakin xadhigeeda waxa uu keenay baaqyo ah in si degdeg ah loo sii daayo.

Machado, oo 57 jir ah, waa xildhibaan hore oo mayal adag oo si weyn ulla dagaallantay Madaxweyne Maduro xitaa kadib markii qaar badan oo kamid ah xulafadeeda hoggaanka mucaaradka ay carareen, iyagoo ku biiray qaxa ilaa 7 milyan oo reer Venezuela ah oo ka tagay dalkooda sannadihii la soo dhaafay.

Mudaaharaadyada ay ku baaqday Machado ayaa dhacay maalin kahor caleemo-saarka Maduro markii saddexaad oo lix sano ah uu xilka hayn doono, inkastoo ay mucaaridka sheegayaan inay hayaan caddaymo lagu kalsoon yahay oo sheegaya inuu ku guuldarreystay doorashadii madaxtinimada ee dhacday bishii Luulyo ee sanadkii hore.

Waxaa jiray dad aad u yar oo u soo baxay mudaaharaadyadii Khamiista iyadoo booliiska rabshadaha iyo ciidamada militariga la geeyay magaalooyinka waaweyn.

Horseed Media