Putin oo diyaar u ah inuu wadahadal Maraykanka kala galo dagaalka Ukraine

7 hours ago

Ruush-ka ayaa soo dhaweeyay in madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Donald Trump uu diyaar u yahay inuu wadahadal la yeesho madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin, afhayeenka madaxtooyada Dmitry Peskov ayaa sheegay maanta oo Jimce ah.

Donald trump and Putin

“Madaxweynuhu wuxuu si isdaba joog ah u sheegay inuu diyaar u yahay inuu la xiriiro hoggaamiyeyaasha caalamka, oo uu ku jiro madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump,” afhayeenka Putin Dmitry Peskov ayaa u sheegay suxufiyiinta.

Trump, oo la caleema saari doono 20ka Janaayo, ayaa ku celceliyay inuu si degdeg ah u soo afjari doono colaadda saddex sano ku dhow ee u dhaxeysa Ruushka iyo Ukraine, isagoo aan soo bandhigin qorshe la taaban karo.

Khamiistii waxa uu sheegay in la qabanqaabinayo kulan uu la yeelanayo Putin.

Ruushka ayaa sheegay in aysan wax shuruud ah ku xiri doonin qabashada kulanka.

“Sharuud looma baahna. Waxa loo baahan yahay waa rabitaan labada dhinac ah iyo rabitaan siyaasadeed oo lagu xaliyo mashaakilaadka,” ayuu sheegay afhayeenka Madaxweynaha Ruushka.

Rajada Trump ee ah in si degdeg ah loo soo afjaro colaadda ayaa kicisay walaaca Kyiv ee ah in Ukraine lagu qasbi karo inay aqbasho heshiis nabadeed oo ku saleysan shuruudaha Moscow.

Washington ayaa tobanaan balaayiin dollar oo gargaar ah gaarsiisay Ukraine tan iyo markii Ruushka uu bilaabay duulaanka militari bishii Febraayo 2022.

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa sheegay in la’aanteed taageeradaas uu dalkiisu lumin lahaa dhul badan.

Horseed Media