Wadahadalka Israel iyo Xamaas ee joojinta dagaalka Gaza oo maraya heer gebo-gaba ah

20 hours ago

Waxaa la rajeenayaa ku dhawaaqista heshiis xabbad-joojin ah oo laga gaaro dagaalka Gaza.

Wada-xaajoodayaashu waxay ” qarka u saaran yihiin ” in ay xaqiijiyaan heshiis xabbad-joojin ah oo laga gaaro Gaza, Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa sheegay Isniintii iyadoo Israel iyo Xamaas ay ka fiirsanayaan qabyo qoraalka ugu dambeeya ee heshiis soo afjaraya colaad Gaza.

Dhexdhexaadiyayaashu waxay siiyeen Israa’iil iyo Xamaas qoraalkii ugu dambeeyay ee heshiiska Isniintii, ayuu sheegay sarkaal si kooban uga hadlay wada-xaajoodka, wadahadallada ayey ka qaybgaleen ergo ka socda labada madaxweyne ee Maraykanka Biden iyo madaxweynaha la doortay ee Donald Trump.

Haddii uu guulaysto, heshiiska xabbad-joojintu waxa uu socon doonaa muddo sannad ah oo wada-hadallo sii socon doonaan, waxana uu horseedi doonaa sii-deynta ugu balaarneyd ee la haystayaasha Israa’iil oo ku jira gacanta Xamaas, halka Israel laga doonayo siideynta qaar kamid ah maxaabiista reer Falastiin.

Heshiiskan oo u qeybsan sadex waji ama heer ayaa waxaa kamid ah qodobo muhiim ah oo ay ku jiraan, ka bixitaanka ciidamada Israel ee qeybo kamid ah Gaza, dib ugu noqoshada shacabka guryahood gaar ahaan waqooyiga Gaza, maamulka cusub iyo dib u dhiska.

Horseed Media