Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe oo maanta ka hadlayey xafladiisa caleemo-saarka ee ka dhacday magaalada Kismaayo ayaa…
Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe oo maanta ka hadlayey xafladiisa caleemo-saarka ee ka dhacday magaalada Kismaayo ayaa sheegay inuu dhankiisa soo dhaweenayo Madaxda Dowlada Federaalka oo uu ixtiraamayo balse laga rabo inay iyagu diyaar u noqdaan wadahadal.
Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa sheegay khilaafka ka dhashay Doorashadii Jubaland ay tahay mid aan dhex ool shacabka Jubaland balse ay tahay mid ay keentay Dowlada Federaalka, isagoo sheegay inuu diyaar u yahay inuu miiska wadahadalka la fariisto xubnaha kasoo horjeeda iyo waliba madaxda Dowlada Federaalka.
“…Dowlada Federaalka Soomaaliya, Maamul Gobaleedyada iyo Siyaasiyiinta waxa isku haya waa Dastuurka, waxaa loo baahan yahay in laga wadashaqeeyoÔǪHadii la helo Niyad wanaag, waanu illaalsan karnaa dalkeena horumarna waa gaari karnaa, ee marka hore aan muujino Niyad WanaagÔǪMa jirto waxaan ku muteysanay CunaqabateynÔǪ.Waxaa masÔÇÖuuliyada iskaleh Dowlada, anaga waan u aqoonsanahay inay dowladeena tahay
Axmed madoobe
Axmed Madoobe ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo laga doonayo inuu ku day-do Hogaamiyaha Itoobiya ee ku guuleystay bilada Nabada oo uu fahmo inuu yimaado Kismaayo oo uu muujiyo inuu dalka hogaamiye u yahay.
Midnimada Ummada iyo Dalka Soomaaliyeed waa MUQADIS, waxaana la rabaa inagoo mideysan inaan difaacano wixii Danaheena ahayuu yiri Axmed Madoobe