Saamaynta Burcad Baddeeddu ku leedahay Waxbarashada

Published: February 1, 2012

Maqaalkan waxa uu diiradda saarayaa saamaynta ay Burcad-baddeedu ku leedahay waxbarashada. Waxay Burcad-badeeddu saameyn weyn kuyeelatay waxbarashada, samayntaas oo laga arki karo dhinacyo badan ayaa waxaan tusaale fiican u ah in ay in badan oo kamid ah dhalinyarada ku jira heerka waxbarasho ee jaamacadaha, koleejyada iyo iskuulada sarre ee dalka ay ku biiraan burcad-baddeedda ayadoo ay dhalinyaradaas duufsatay dhaqaalaha yar oo ay kusoo qaataan sida khaldan ee ka baxsan xeerarka caalamiga ah, dhaqanka ummadda Soomaaliyeed iyo diinta Islaamkaba.

Kuma koobna intaas oo qura saamaynta ay ku yeelatay waxbarashada burcadbadeeddu, waxaa xusid mudan in ay inta badan dhalinyarada waxbarashada u aada dalka dibaddiisa ay ka gaabsadaan in ay ku abtirsadaan dalkooda hooyo taas oo ay ku kalliftay baqdin ay ka qabaan in la-la beegsado falal aargoosi kuwaas oo salka ku haya ficil ay burcad-badeed Soomaali ah u gaysteen dadkooda ama hantidooda.

Ma aha saameynta burcad-badeeddu mid ku kooban inta aan kor ku xusnay kali ah ee waxaa laga dheehan karaa dhinacyo badan oo kala duwan, tirsi badan oo dhalinyaro ah oo da`doodu aad u yartahay ayaa waxay saaxada horumarka iyo tacliinta uga bayraan si joogto ah kuwaas oo doorta in ay u bayraan burcad-badeednimo iyo hoobka hanta aysan lahayn oo xaraam ah.

Waxbarashadu waa shayga qura ee kobciya tayada iyo waxqabadka bulshada, soona saara bulsho wanaagsan oo ka hufan wax walba oo lid ku ah maslaxaddooda ummadeed. Waxay bulshadii soomaaliyeed ku sugantahay xilli ay kaalintoodii baneeyeen jiilkii soo kacayay ee mustaqbalka kuwaas buuxin lahaa kaalimo muhiim ah oo tiirar asaasi ah u noqon lahaa horumarka iyo dib usoo nooleynta dalka Soomaaliya.

Afarta shay ee kobciya wax soo saarka waxay kala yihiin; Dadka, Dhulka, Lacagta, iyo Allaabta. Haddaba taas waxaanu ka dheehankarnaa in dadka ay yihiin waxa kaliya ee lagu xisaabtamikaro, isla markaasna muhiimad u leh waxsoosaarka. Dadka siiba dhalinyaradu waa waxa kaliya ee dal, dad iyo dowladi ku xisaabtamaan, waana muhiim dadku in ay noqdaan kuwa waxbarta kana madaxbanaan dhammaan waxyaabaha wax u dhimaya bulshadooda.

Haddaba waxaa habboon in la ogaado, siiba ay ogaadaan dhamaan bulshada qaybaheeda kala duwan in burcad-baddeeddu tahay aafo saamaysay dhamaan jihooyinka horumarineed ee bulsho ku horumarto, isla markaasna la iskugu dardaarmo cabsida Alle iyo in laga feejignaado afkaaraha khaldan ee burcad-baddeeddu baahiso.

Burcad-baddeedu waa wax ku lid ah hoosna u dhiga waxbarashada, waxbarashaduna waa iftiinka nolosha. Haddaba bulshooy ka dheeraada oo ka ku dhiiranina burcad-baddeeda.