Tartanka Kubadda cagta Puntland ee Garoowe ka socda oo maalintii 2-aad galay

Published: February 2, 2012

Tartanka 6-aad ee kubadda cagta Puntland oo shalay magaala-madxda Garoowe ka furmay ayaa maalintiisii labaad galay.

Ciyaaraha galabta oo ah kuwa aad u xiisa badan ayaa qaybta 1-aad waxaa isku arkay xulalka kubadda cagta ee labada gobol ee Sool iyo Mudug.

Mudug iyo Sool oo ay ciyaar aad u xiisa badani dhex martay ayaa waxaa galabta guushu raacday xulka Mudug oo ku badiyey 2-1.

Qaybta labaad ee ciyaaraha galabta oo hada socota waxaa wada dheelaya labada gobol ee Karkaar iyo Haylaan, ciyaarta Haylaan iyo Karkaar oo qorshu ahaa inay shalay dhacdo ayaa baaqatay kadib markii uu wakhtigu gabaabsi noqday.

Kulanka labadan gobol oo ah mid aad u xiisa badan ayaa waxaa gool ku horeeyey gobolka Haylaan oo iyagu daqiiqado kadib markii siiriga bilowga la yeeriyey la yimid hal gool oo aad u qurux badan.

Xulka Karkaar oo kamid ah xulalka ugu adag kuwa tartanka shalay Garoowe ka furmay ee gobolada Puntland ka qaqyb gelaya ayaa iyaguna isla durbadiiba iska soo xalay goolkii looga hormaray islamarkaana natiijada ka dhigay 1-1.

Sawirada ciyaaraha maanta ka dhacay garoonka kubadda cagta magaalada Garoowe ee Mire Awaare Horseed Media sidii aad horayba uga barateen saacadaha soo fool leh ayey idiin so gudbin doontaa.