Garoowe: Munaasabad lagu daah furayo Dastuurka Puntland ayaa saaka ka dhacaysa xarunta PDRC

Published: February 8, 2012

Magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland waxaa ka socota qaban qaabada munaasabad balaaran oo lagu daah furayo Dastuurka dowlada Puntland.

Munaasabadan oo ka dhacaysa xarunta hay`adda cilmi baarista Puntland ee PDRC waxaa kasoo qayb gelaya mas`uuliyiinta ugu sareysa Puntland iyo xubno kale oo metelaya goleyaasha kala duwan ee dowladda.

Kulankan oo ah kii ugu horeeyey ee noociisa ah ee abid ka dhaca magaalada Garoowe iyo guud ahaan Puntland waxaa kasoo qayb gelaya madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Faroole.

Sidoo kale waxaa munaasabadan oo ay soo qaban qaabisay hay`adda cilmi baarista Puntland ee PDRC islamarkaana ka dhacaysa xarunteeda ugu weyn oo ku taal magaala madaxda Puntland ee Garoowe lagu casuumey xubno kale oo metelaya qaybaha kala duwan ee bulshada.

Khudbadaha ay mas`uuliyiinta kala duwan ee munaasabadan Dastuurka dowlada Puntland lagu daahfurayo kasoo qayb gelayaa jeediyaan iyo sawiradaba Horseed Media saacadaha soo fool leh ayey idiin soo gudbin doontaa.

 

Maxamed Siciid Yuusuf

Horseed Media

Garooowe