Aadan Madoobe Iyo Cabdi Xaashi Oo Wadajir U Magacaabay Xubnaha Ururka IGAD Ku Matalaya BFS

Published: July 23, 2023
Shares10

Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa si wadajir ah u magacaabay xubnaha baarlamaanka Soomaaliya uga mid noqonaya baarlamaanka urur goboleedka IGAD.

Xubnaha la magacaabay ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya uga mid noqonaya Baarlamaanka Urur Goboleedka IGAD ayaa kala ah:

  1. Xil. Cabdiraxmaan Maxamed Sheekh
  2. Xil. Maxamuud Axmed Aadan
  3. Xil. Maryam Aweys Jaamac
  4. Xil. Maxamed Cusmaan Cumar
  5. Sen. Sareedo Maxamed Xasan

Hoos ka akhriso:

Horseed Media