Aadan Madoobe iyo Ergooyinka Beesha Caalamka oo ka wada hadley arrimaha dastuurka dalka

Published: March 12, 2024

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliyeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa kulan la qaatay qaar kamid ah wakiilada beesha caalamka ee ka howlgala Soomaaliya oo uu hoggaaminaayo Ku-xigeenka Wakiilka Xoghayaha Guud ee QM Soomaaliya Raisedon Zenenga.

Shirka ayaa looga hadlay wax-ka bedelka iyo dib u eegista Dastuurka KMG ah ee dalka oo maraya cutubkiisa afaraad iyo xaalada guud ee dalka.

Wakiilada Beesha Caalamka ayaa warbixin ka dhegaystey Aadan madoobe habka ay ku socoto dooda waxka beddelka dastuurka, sidoo kale waxay ku taliyeen in geedi socodka dhamaystirka dastuurku uu noqdo mid loo dhan yahay oo la isla oggol yahay.

Aadan Madoobe ayaa ergooyinka beesha caalamka u sheegay in dastuurkan marka la dhamaystiro loo qaadi doono afti dadweyne.

Dowladda Puntland ayaa gebi ahaanba a maqan dastuurkan o si weyn wax looga beddalay ama la dhihi karo dib ayaa loo qoray.

Horseed Media