Aadan Madoobe oo guddi u saarey go’aamadii golaha wadatashiga qaranka

Published: July 7, 2023

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madobe ayaa magacaabay Guddi gaar ah oo kasoo talabixiya heshiiskii Golaha Wadatashiga Qaran oo ay xukuumadu usoo gudbisay Golaha Shacabka BJFS.

Heshiiska Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa dhaliyey muran aad u badan, kadib markii ay ay ku heshiiyeen in dalka ay u jeediyaan jiho kale, waxaana ka mid ahaa qorshahyaasha ugu weyn in dalku yeesho Madaxweyne iyo ku-xigeen.