Aas Qaran oo Garoowe loogu sameeyey Marxuum Xildhibaan Cali Tabliiq (AUN)

Published: May 20, 2024

Alle ha u naxariistee Xildhibaan Cali Axmed Maxamuud (Tabliiq) oo ku geeriyooday shil gaari oo ka dhacay deegaanka Xaaji Khayr ee degmada Dangorayo ee gobolka Nugaal ayaa galabta aas qaran loogu sameeyey caasimadda Garoowe

Waxaa aaska qaran ka qaybgalay Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Ilyaas Cismaan Lugatoor, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Cabdirisaaq Axmed Siciid, Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Wakiillada Maxamed Baari, Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Wakiillada Maxamed Maxamuud Ciise , Goleyaasha Dowladda Puntland, Qeybaha kala duwan ee Bulshada iyo Qoyskii iyo Qaraabadii AHUN Xildhibaan Cali Axmed Maxamuud.

Madaxweynaha Puntland iyo masuuliyiintii kale ayaa ka Tacsiyeeyay geerida AHUN Xildhibaan Cali Axmed Maxamuud, si gaar ah wuxuu ugu tacsiyeeyay oo kula kulmay Aaska Aabe Axmed Maxamuud (Aabaha dhalay Marxuumka) isagoo si guudna ugu tacsiyeeyay Golaha Wakiillada Dowladda Puntland, saaxiibadiisii iyo qoyskiisii , wuxuu Madaxweynuhu Allaah uga baryay marxuumka in uu u danbi dhaafo oo janadii geeyo dhammaanteena Samir iyo Iimaan inaga wada siiyo Aamiin.

Horseed Media