Aasaasihii WikiLeaks Julian Assange oo la sii daayay kadib heshiis uu la galay Mareykanka

Published: June 25, 2024

Aasaasaha Warbaahinta WikiLeaks Julian Assange ayaa heshiis la gaaray dacwad oogayaasha Mareykanka, ninkan oo u dhashay dalka Australia ayaa laga sii daayay xabsiga, wuxuuna ka tagay dalka Ingiriiska oo uu muddo ku xanibnaa.

WikiLeaks ayaa sheegtay in aasaasaha Assange lasii daayey subaxnimadii isniinta, wuxuuna ka dhoofay garoonka Stansted ee London. Wuxuuna hortagi doonaa Maxkamada Mareykanka oo uu sanado badan ka warwareegayey in loo gacan geliyo.

Dukumiintiyada maxkamadda oo loo gudbiyey qaar kamid ah warbaahinta, ayaa muujinaya in Assange uu toddobaadkan qiran doono mid kamid ah eedeymaha uu Xeer-illaaliyaha Mareykanka ku soo oogay. Waxa uu qiran doonaa dambiga lagu soo oogay oo ah inuu jabsaday isla markaana internetka ku baahiyey xogta sirta militariga iyo hay’adaha amniga Mareykanka.

Sida laga soo xigtay wakaaladda wararka, heshiiska waxaa ku jira in Assange lagu xukumi doono 62 bilood oo xabsi ah. Qasab ma aha in xukunkaas lagu fuliyo, sababtoo ah waxa uu horay ugu jiray xabsi ku yaalla Ingiriiska tan iyo 2019-kii.

Waxaa la filayaa kadib dhageysiga kooban ee maxkamada Mareykanka uu Assange usii gudbo dalka uu kasoo jeedo ee Australia.

Horseed Media