Aaska Qaran: Madaxweyne Kuxigeenkii Hore Ee Puntland, Cabdisamad Cali Shire

Published: May 21, 2021

Madaxweyne ku-xigeenka hore ee Dowlada Puntland, Cabdisamad Cali Shire ayaa maanta aas qaran loogu sameeyey magaalada Garoowe ee caasimada Puntland.

Aaska marxuumka ayaa waxaa kasoo qaybgalay masuuliyiin kala duwan oo uu ugu horeeyo madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, kuxigeenkiisa Axmed Cilmi Cismaan Karaash, madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Faroole, golayaasha kala duwan ee dowlada iyo madax kale.

Madaxweyne Deni iyo dhammaan masuuliyiintii kasoo qayb-galay ayaa Alle SWC uga baryey Marxuumka Naxariistiisa Janno, waxa ay ku booriyeen ummadda Soomaaliyeed inay iska cafiyaan Marxuumka, una duceeyaan.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *