Abaabulka banaan-bax ka dhan ah Al-Shabaab oo ka socdo magaalada Muqdisho

Published: January 11, 2023
Shares14

Qaban-qaabadii ugu dambeysay ee ku aadan banaan-baxan ja dhan ah Al-Shabaab ayaa ka socda qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir kuwaas oo laga dareemayo abaabul xoogan.

Maamulka gobolka Banaadir ayaa shaaciyey in maalinta berri oo Khamiista ah uu magaalada Muqdisho ka dhici doono dibad-bax ballaaran.

Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda maamulka gobolka Banaadir, Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in dibad-baxaan oo billow u ah kacdoonka shacabka Muqdisho, kaas oo lagu taageerayo howlgallada ka socdo dalka.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in shacabka ay cabiri doonaan dareenkooda, wuxuuna xusay in ujeedka uu yahay in la garab istaago ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa deegaanka.

Horseed Media