Abaanduulaha guutada 2aad ee Ciidamada Xooga ayaa ka badbaaday qarax gaarigiisa loogu xiray.

Published: August 5, 2018

 

Degmada Balcad ee gobolka shabeelada hoose wararka aan ka helayno ayaa sheegaya in uu qarax loogu xiray gaarigisaa ka badbaaday abaanduulihii guutada 2aad ee ciidamada xooga soomaaliya Cali Cariif, 5 Askari oo ay ku jireen saraakiil ka tirsan dawlada ayaa ku dhaawacmay qaraxaan oo ka dhacay gudaha warshada dharka ee Balcad.

Madaxda dawlada ee degmada Balcad weli faahfaahin kama aysan bixin wararka la xiriira qaraxaan, sidoo kale waxaa habeenimadii xalay ay lagu garaacay isla degmadaas madaafiic kala duwan, sida ay sheegteen ururka Alshabaab, Balcad waxay 37KM u jirtaa caasimada soomaaliya ee Muqdisho.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *