Abaarta Soomaaliya oo saameysay in ka badan 4.3 milyan oo qof – UN

Published: February 8, 2022

Warbixin ay soo saartay Qaramada Midoobay ayaa shaaca ka qaaday in abaarta Soomaaliya ka jirta ay biyo la’aan ka dhigtay 4.3 milyan oo qof.

Warbixintan ayaa lagu sheegay in tiradan ay ka badan tahay qiyaastii bishii hore oo ahayd in dadka abaarta saameysay ay ka badan yihiin 3.2 milyan oo qof, sida ay sheegtay xafiiska isku xirka arrimaha bini’aadantinimada ee UN OCHA.

Waxaa warbixintan lagu sheegay in abaarta sii kordhaysa ay sababtay in ilaa 271-kun oo qof ka baro-kacaan deegaanadooda iyagoo raadinaya biyo, cunto iyo daaq.

Iyadoo xilli roobaadka soo socda aan la fileynin illaa iyo bisha Abriil 2022, Soomaaliya waxay wajaheysaa masiibo,” hay’ada OCHA ayaa ku sheegtay Qaylo-dhaanta ay soo saartay.

Waxa ay sheegtay in Sanduuqa Dhexe ee Gurmadka Degdegga ah ee Qaramada Midoobay uu u qoondeeyay 25 Milyan oo Doollar wax-ka-qabashada Abaaraha iyadoo Sanduuqa Bani’aadamnimada ee Soomaaliya uu dhaqaalahan ku kabay 6 milyan oo Dollar; qoondayn labaad ayaa socota.

Maalgelin dheeri ah oo loogu talagalay waaxyaha mudnaanta leh ayaa si degdeg ah loogu baahan yahay si loo badbaadiyo nolosha dadka ay abaartu saameysay iyo gurmadka Bani’aadamnimada ee Soomaaliya 2022.

Biyo la’aan daran iyo helitaan la’aanta fayadhowrka iyo tas-hiilaadka nadaafadda ayaa sare u qaaday halista cudurro dillaaca,” ayey tiri hay’ada OCHA.

Waxaa ay hay’adu digniinteeda ku sheegtay in la filayo in abaartu ay sii xoogeysato iyadoo Soomaaliya ay wajaheyso khatarta ah in xilli roobaadkii afaraad oo xiriir ah uu baaqdo sanadkan 2022-ka.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *