Abiy Ahmed: Askartayada 1 qof oo shacab ah ma dilin!

Published: December 1, 2020

Raysalwasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed oo warbixin ka siiyey Baarlamaanka dalkaasi hawlgalka ka dhanka ah TPLF ayaa sheegay in ciidamada Federaalka aysan wax dhibaato ah u geysan dadka shacabka ah.

Abiy Ahmed oo si qoto dheer uga hadlay khatarta TPLF oo muddo dheer kasoo talineysay dalkaasi, ayuu ku eedeeyey kooxdaasi inay ku lug lahayd dagaaladii u dhaxeeyey qawmiyadaha ee ka dhacay gobalada kala duwan ee wadankaasi.

Wuxuu sheegay Raysalwasaaraha in kooxdaasi waday qorshe ay dooneysay in lagu kala gooyo wadanka Itoobiya.

“…Hawlgalkii Maqalle si wanaagsan oo xirfadeysan buu u dhacay…ciidamadeena hal qof oo shacab ah ma dilin….” ayuu yiri Abiy Ahmed oo sheegay in ciidamadooda ay guul taariikhi ah gaareen.

Hadalada Abiy Ahmed ayaa u muuqday mid ku socda shacabka Itoobiya iyo Beesha Caalamka oo walaac ka qaba xaalada dalkaasi iyo dagaalka ka socda gobalka Ismaamulka Tigrayga.

Qaramada Midoobay iyo Midowga Yurub ayaa ugu baaqay Xukuumada Abiy Ahmed inay u ogolaato gobalka Tigrayga in la geeyo gargaarka Caalamiga ah.

Ciidamada Federaalka ayaa weli diidan inay gobalkaasi tagaan hay’adaha gargaarka iyo waliba saxaafada madaxa-banaan taasi oo adkeenaysa in si dhab ah loo ogaado xaalada deegaankaasi.

Dhinaca kooxda TPLF ayaa sheegatay inay Axadii guulo ka gaartay dagaalka oo ay dhankooda sheegayaan inuu weli ka socdo deegaano kala duwan.

Maxamed Cismaan
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *