Abshir Huruuse: “Hoggaamintayda waxay suragalinaysa in maamulka lagu soo celiyo gacmaha dadka.”

Published: January 2, 2024

Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya, Abshir Cumar Huruuse oo ka mid ah musharrixiinta u tartamaya xilka Madaxweynaha Puntland ee doorashada 8 Jannaayo , ayaa sheegay inuu ku guuleysto xilka inay u suuragelinayso bulshada Puntland in lagu soo celiyo tallada, isagoo markaa isku tilmaamay inuu yahay qof ka yimid shacabka oo ahaa dal-joog si dhab ah ula falgeli kara xal u helida marxaladaha Puntland.

“ Waxaan isku arkaa inan si dhab ah qayb uga ahay, ugana tartamayo shacab waynaha dhex dooda … inan ahay shaqsi ka mid ah bulshada inta badan dooneysay inay hesho maamul iyaga matala ay leeyihiin oo tallada maamulka iyo qaab nolaleedkoodu noqdo mid iyaga ka go’a , maaddama aan 30 sanno u dambeyay ama muddada 25 sanno ee ay dhisnayd Puntland aan ahaa shaqsi ka mid ah shacabkaas, waxaan u arkaa inan isi sharraxo fursad ay leeyihiin shacabkii aan ka mid ahaa , iyadoo ujeeddadu tahay in maamulku lagu soo celiyo gacmaha dadka,la keeno meel bulshada u dhow .” ayuu yiri Musharrax Abshir oo si faahfaahsan qorshihiisa ugu soo bandhigay waraysi uu bixiyay.

Musharrax Abshir Huruuse, ayaa sheegay in ujeeddooyinka uu isku soo sharraxay inay ugu horreeyso sidii dib u habayn loogu sameyn lahaa nidaamka Dawliga ah oo loo heli lahaa adeeg Dawladeed iyo nidaam la daadejiyo, siyaasadiisa wuxuu sheegay inay wax ka qabanayso dhaqaalaha , iyadoo si hufan loo maareynayo canshuuraha oo uu markaa ballanqaaday inaysan dhici doonin ku takrifal dhaqaale si taa loo caddeyana inuu soo bandhigi doono hantidiisa iyo cid walba oo Dawladiisa qayb ku noqonaysa.

“Anniga waxaan aaminsanahay oo aan qorsheynay in la helo xasillooni bulsho iyo mid amni, intaa markii ay dadku helaana canshuurta iyo dhakhliga ummadda gacantooda laga soo qaado ee usoo xarooda Dawladda uu noqdo mid bedqaba , luguna celiyo adeeg ahaan.” ayuu ku daray.

Dib u dhiska ciidammada, horumarinta hay’adaha Dawladda , adeegga bulsho ee caafimaad, waxbarasho, shaqo abuur, dhab-u heshiisiinta bulshada,midnimada iyo nidaamka Puntland oo uu sheegay inay u qorsheeyeen hab casri ah , ayuu ku sheegay waxa ugu horreeyaa ee ay diiradda saarayaan.Nidaamka dimuquraadiyeenta Puntland ayuu ku sheegay mid xal u ah khilaafaadka doorashada, xilli horana uu daadejinayo sidii loo dhammeystiri lahaa.

Abshir Huruuse, oo ka mid ah in ka badan toban musharrax oo u tartamaya xilka ayaa sidoo kale ka hadlay , qorshaha uga aadan Federaalka iyo doodda Dastuurka,kuwaa oo uu dhammaantood ku sheegay kuwa u baahan tallo-wadajirta iyo in lagu soo celiso waxgaradka iyo qaybaha bulshada Puntland , markaanna go’aan wadajira lagu wajaho arrimaha Federaalka. Wuxuu ku sheegay lama taabtaan qadiyadda Puntland oo uu tilmaamay in looga baahanyay Dawladda Federaalka inay ku ixtiraamto Puntland.

Mar uu ka hadlay mowqifkiisa Khatuumo, wuxuu sheegay inuu yahay mid cad oo ah inuu taageerrayo aragtida iyo rabitaanka , taageerro hiil lehna uu la garab istaagi doono. Gabagabadii, wuxuu ku tilmaamay marxaladan doorasho inay u tahay dadka Puntland fursad muhiim oo lagu sixi karo mustaqbalka Puntland oo guuleysta.

Horseed Media