Abwaan Geesi oo kamid ahaa dhalinyarada caanka ka ah baraha bulshada oo geeriyooday

Published: November 29, 2022
Shares964

Allaha u naxariistee waxaa goor dhow magaalada Nairobi ee dalka Kenya ku geeriyooday abwaan Cumar Cabdiwaaxid Aadan oo ku magac dheeraa (Abwaan Geesi).

Abwaan Geesi ayaa muddo toddobaad ah ku jiray isbitaal, isagoo u geeriyooday xanuun dhanka caloosha ah oo uu in muddo ah la xanuunsanaa.

Abwaan Geesi ayaa ahaa abwaan iyo jilaa aad loogu yaqaanno ruwaayadaha, wuxuuna caanka ka ahaa baraha bulshada Soomaalida.

Muddooyinkii ugu dambeeyay wuxuu ku noolaa qeybo ka mid ah Soomaaliya, labadii bilood ee ugu dambeysay ayuuna ku soo laabtay Nairobi oo hore uu ugu noolaa.

Horseed Media